Madaxweyne ku-xigeenka Puntland: Waxaan u sheegaynaa maraakiibta NATO haddii aysan kahor tagi karin kalluumaysiga sharci darada in joogistoodu ay u muuqato dano gaar ah

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Cumar Camay oo la taagan qayb kamid ah shaqaalihii saarnaa markabka dhawaan la afduubtay ee Aris 13. [Xigashada Sawirka: SBC TV]
Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Cumar Camay oo la taagan qayb kamid ah shaqaalihii saarnaa markabka dhawaan la afduubtay ee Aris 13. [Xigashada Sawirka: SBC TV]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Cabdixakiim Cumar Camay ayaa sheegay in maraakiibta NATO ee ku sugan biyaha Soomaaliya gaar ahaan kuwa Puntland ay waajib ku tahay in ay qaadaan tilaabooyin badan oo ay uga hortagayaan kalluumaysiga sharci darada ah, isaga oo sheegay in weerarkii ugu dambeeyay uu keenay caro ka dhalatay kalluumaysiga sharci darada ah.

Camay ayaa ka digay haddii ay sii socdaan kalluumaysiga sharci darada ah ay dhici doonaan weeraro badan oo afduub ah.

“Waxaanu ka codsanaynaa maraakiibta dagaalka NATO in ay joojiyaan kalluumaysiga sharci darada ah, balse waxay sheegaan in aysan ahayn waajibaadkooda,” ayuu yiri Camay oo ka hadlayay munaasabad gaar ah oo loo sameeyay shaqaalihii saarnaa markabka oo lagu qabtay dekada magaalada Boosaaso.

“Waxaan u sheegaynaa haddii aysan kahor tagi karin kalluumaysiga sharci darada ah ee ka socda biyaha Soomaaliya, marka joogistoodo waxay u muuqataa dano gaar ah.” Ayuu ku daray.

Saraakiisha NATO ayaan wali ka jawaabin hadalka madaxweyne ku xigeenka. Balse horey ayay u sheegeen in kalluumaysiga sharci darada ah ee ka jira xeebaha Soomaaliya in aysan waajibaadkooda ku jirin.

 Tirada weeraradii burcadbadeeda Soomaaliya ayaa si weyn hoos ugu dhacday intii lagu guda jiray shanti sanno ee lasoo dhaafay.

Afduubkii asbuucii lasoo dhaafay dhacay ayaa ahaa weerarkii kowaad oo ay burcadbadeedu ku qaado markab ganacsi oo gooshayay xeebaha Soomaaliya in ka badan muddo shan sanno ah.

Dhawaan, iyaga oo la hadlayay warbaahinta maxaliga ah, qayb kamid ah kalluumaysatada ayaa ku goodiyay in ay hubka qaadan doonaan mar labaad ayna ku noqon doonaan burcadbadeednimada si ay u la dagaalamaan waxa ay ugu yeereen “jariifayaasha ajaaniibta ah.”

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*