Madaxweynaha Jubbland oo rajo ka muujiyay shirka Garoowe ee u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam. [Sawir Hore]
Kismaayo-(Puntland Mirror) Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland ayaa rajo ka muujiyay shirka lagu balansanyahay Garoowe ee u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada.

Isaga oo ka hadlayay magaalada Kismaayo maanta oo Khamiis ah, Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in shirka Garoowe aan looga hadli doonin ammaanka iyo waxyaabo kale, balse looga wadaxaajoon doono sidii loo gaari lahaa xal siyaasadeed.

“Shirka Garoowe maahayn kii amniga, maahayn shir kale oo si kale loogu baaqay waxa uu ahaa shir lagu baaqay bal siyaasiyan wax la isku weydiiyo, haddaan siyaasadda lagu heshiina waa ay adagtahay in wax badan oo kale lagu heshiiyo,” ayuu yiri madaxweynaha Jubbaland.

 Asbuuca soo socda ayaa la filayaa in shirka u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada uu ka furmo magaalada Garoowe, ee caasimada Puntland.

Masuuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada ayaa la filayaa in ay Garoowe yimaadaan ilaa Sabtida.

Bishii Janaayo, Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in dowladiisu ay martigelinayso shirka oo qorshuhu ahaa bishii lasoo dhaafay ee Maarso, balse dib ugu dhacay sababo aan la sheegin.

Bishii September ee sanadkii 2018, madaxda sare ee dowlad goboleedyada Soomaaliya oo kala ah Puntland, Jubbaland, Galmudug, Hir-Shabeelle iyo Koonfur Galbeed oo magaalada Kismaayo shir ku yeeshay ayay ku hakiyeen wadashaqeynta Dowladda Dhexe, iyaga oo ku eedeeyay farogelin arrimahooda gudaha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*