Madaxweynaha Galmudug oo qaliin wadnaha loogu sameeyay Hindiya

Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed.

New Delhi-(Puntland Mirror) Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa isbiyaal ku yaala magaalada New Delhi ee caasimada dalka Hindiya waxaa loogu sameeyay qaliin dhanka wadnaha ah, sida ay sheegeen eheladiisu.

Madaxweynaha Galmudug ayaa asbuucii hore dalkaas gaaray si loogu sameeyo baaritaan caafimaad, kadib xanuun kaga soo booday wadnaha.

Qaar kamid ah ehelada Cabdikariim Xuseen Guuleed oo la hadlay idaacada Radio Dalsan oo Muqdisho ku taala ayaa sheegay inuu hadda caafimaad qabo laguna guulaystay qaliin looga sameeyay wadnaha, xaaladiisuna ay soo hagaagayso.

4-tii, Juulay ee sanadkii 2015-ka ayaa Cabdikariim Xuseen Guuleed loo doortay Madaxweynaha maamulka Galmudug oo ka taliya magaalada Cadaado.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*