Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf oo sheegay in uu gabi ahaanba burburay heshiiskii u dhaxeeyay Galmudug iyo Ahlu Sunna

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha mamaul goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf ayaa sheegay in uu gabi ahaanba burburay heshiiskii u dhaxeeyay Galmudug iyo Ahlu Sunna.

Bayaan uu soo saaray xalay goor dambe, ayaa madaxweyne Xaaf ku sheegay in uu burburay heshiiskii Jabuuti ee Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljamaca oo la saxiixay 12-kii June, 2017.

Xaaf ayaa sidoo kale ogolaaday in la qabto doorashada madaxtinimada Galmudug oo ka dhici doonta magaalada Cadaado, bayaanka ayaa intaas ku daray.

Arrintan ayaa imaanaysa iyada oo Xaaf uu ka soo tagay magaalada Dhuusamareeb halkaas oo bilihii u dambeysay fadhi u ahayd.

Khilaaf xoogan ayaa soo kala dhexgalay masuuliyiinta Ahlu Sunna iyo madaxweyne Xaaf kadib markii asbuucii lasoo dhaafay uu Dhuusamareeb tagay wasiirka arrimaha gudaha dowladda federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye kaasoo ay u muuqato in uu heshiis la gaaray Ahlu Sunna.

Waxay u egtahay in uu Xaaf dib ugu soo noqonayo magaalada Cadaado oo ah halkii markii hore lagu doortay balse uu ka tagay kadib khilaaf soo kala dhexgalay masuuliyiinta Galmudug oo uu kamidyahay madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiyaha baarlamaanka.

Maamul goboleedka Galmudug oo ka kooban bar gobolka Mudug ah iyo Galgaduud ayaa tan iyo markii la asaasay waxaa ka dhex jiray khilaaf soo noq-noqonayay iyo farogelin kaga imaanaysay dowladda federaalka Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Muqdisho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*