Madaxweynaha Dowladda Puntland oo xariga ka jaray Jaamacadda Maakhir

Madaxweynaha Puntland oo xariga ka jaraya Jaamacadda Maakhir. [Xigashada Sawirka: Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Puntland]
Baran-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali oo safar ku jooga magaalada Baran ee gobolka Sanaag ayaa xariga ka jaray Jaamacadda Maakhir.

Madaxweynaha ayaa khudbad uu munaasabadda xarig ka jarka ka jeediyay ku sheegay in Jaamacadda Maakhir ay kaalin weyn ka geysan doonto waxbarashada sare ee gobolka Sanaag iyo dhammaan dalka oo dhan.

Jaamacadda Maakhir oo dhismaheedu ka koobanyahay ilaa todobo qaybood, waxaa dhaqaalaha ku baxay bixiyay dalka Kuwait.

Munsaabadda xarig ka jarka ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi, masuuliyiin katirsan dowladda iyo Suldaanka guud ee gobolka Sanaag Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaam Suldaan Maxamuud.

Xarig ka jarka dhismaha Jaamacadda ayaa imaanaya iyada oo Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali uu safar ku tagay magaalada Baran ee gobolka Sanaag, isaga oo noqonaya madaxweynihii ugu horeeyay ee Puntland oo xil-haya oo safar rasmi ah ku taga halkaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*