Madaxweynaha dowladda Puntland oo u safray dalka Isutaga Imaaraatka Carabta

Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali. [Sawirka: Archive]
Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali. [Sawirka: Archive]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta oo Talaado ah ka dhoofay garoonka diyaaradaha kumeelgaarka ah ee Kanooko ee kuyaala duleedka caasimada Garoowe, isaga oo u safray dalka Isutaga Imaaraatka Carabta. Kahor inta uusan tagin, madaxweynaha ayaa wariyeyaasha u sheegay in uu safarkiisa Imaaraatka uu la xiriiro mashruuca balaarinta dekada magaalada Boosaaso. 

“Waxaan maanta u ambabaxayaa dalka Isutaga Imaaraatka Carabta oo aan u aadayo heshiiskii muddo soo socdey ee ahaa balaarinta iyo casriyaynta dekeda magaalada Boosaaso, heshiiskaas oo muddo soo socdey gebagebadiisiina la marayo waxaan rajaynayaa inuu guul ku soo dhammaado, mashruucani waxaana uu wax weyn ka tarayaa kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha dowladda Puntland.” Ayuu yiri.

Dhawaan ayay ahayd markii warsidaha Puntland Mirror uu daabacay in Madaxweyne Cabdiweli uu dalka Isutaga Imaaraatka Carabta u safri dooni si uu u saxiixo heshiiska u dhaxeeya Puntland iyo shirkada DP World, si ay u horumariso dekada magaalada Boosaaso.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*