Madaxweynaha dowladda Puntland oo Turkiga ka codsaday in ay gacan ka geystaan gurmadka abaarta ku dhufatay Puntland

safiirka
Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali oo Muqdisho kula kulmay safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Olgan Bekar. [Sawirka: xafiiska warfaafinta madaxtooyada Puntland]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta oo Sabti ah magaalada Muqdisho kula kulmay safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Olgan Bekar.

Kulanka ayaa ka dhacay xarunta safaarada Turkiga ee kutaala caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Madaxweynaha iyo safiirka ayaa kawadahadlay arrimo la xiriira sidii Turkigu uu gacan uga geysan lahaa abaaraha daran ee ka jira gobolada Puntland.

Madaxweyne Cabdiweli ayaa uga waramay safiirka xaalada abaareed ee ka jirta Puntland, waxaana uu ka codsaday in Turkiga uu gacan ka geysto sidii loogu gurman lahaa dadka ay abaarta daran saamaysay.

Dhankiisa, Ogan Bekar  ayaa sheegay in ay gacan ka geysan doonaan gurmadka lagu caawinayo abaarta waxyeelaysay Puntland.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*