Madaxweynaha dowladda Puntland oo sheegay in kaabayaasha dhaqaalaha ay lagama maarmaan u yihiin horumarka dhaqaale

Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali. [Sawirka: Puntland Mirror]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sheegay in kaabayaasha dhaqaalaha ay muhiim u yihiin horumarka dalka.

Wareysi uu siiyay idaacada Radio Daljir Cabdiweli Maxamed Cali ayaa sheegay in dhismayaasha kaabayaasha dhaqaalaha ay ku xiranyihiin horumarka Puntland.

“Dabcan anigu waxaan ogahay dhaqaaleyahan haddaan ahay, waxa ugu weyn oo wadan lagu horumarin karo waa kaabyaasha dhaqaalaha,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

“Wada aan dekado lahayn oo jidad lahayn oo garoomo lahayn horumar ma gaari karo. Waxaan leenahay macdan, waxaan leenahay gaas, waxaan leenahay saliid, waxaan leenahay kalluun, waxaan leenahay xawayaan, waxaan leenahay beeyo, haddii maalgashi dalka laga sameynayo, waxaa loo baahanyahay garoon waxaa loo baahanyahay jid waxaa loo baahanyahay dekad.” Ayuu ku daray.

About Shafei Osman Yusuf 19 Articles
A Puntland Mirror columnist focuses on issues related to social development. Shafei holds a bachelor of public administration from Puntland State University (PSU) and a bachelor of education from Islamic University in Uganda (IUIU). You can reach him on: shaafiyare2011@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*