Madaxweynaha Dowladda Puntland oo safar ku tagay dalka Jabuuti

Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa qaabilay masuuliyiin sare oo katirsan Jabuuti. [Isha Sawirka: Puntland State House]
Jabuuti-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Talaado ah safar ku tagay dalka Jabuuti.

Madaxweyne Deni ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay masuuliyin sare oo katirsan dowladda Jabuuti oo ay ugu horeeyaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cali Xumad iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamuud Cali Yuusuf.

Inta uu joogo halkaas, Madaxweynaha Puntland ayaa qorshuhu yahay in uu kulamo la yeesho masuuliyiinta dalka Jabuuti.

Madaxweynaha Dowladda Puntland waxaa socdaalkiisa ku weheliya Wasiirka Dekedaha & Gaadiidka Badda Maxamed Cabdi Cismaan Majiino, Wasiirka Deegaanka, Beeraha & Isbedelka Cimilada Ismaaciil Diiriye Gama’diid iyo Saraakiil ka tirsan madaxtooyada, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*