Madaxweynaha dowladda Puntland oo qaabilay safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Midig), safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Qin Jian. [Sawirka: Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa maanta oo Khamiis ah xarunta madaxtooyada Garoowe ku qaabilay safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya.

Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali iyo safiir Qin Jian ayaa waxa ay ka wadahadleen arrimo kala duwan oo ay ku jiraan xiriirka ka dhaxeeya Shiinaha iyo Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in xiriirka ka dhexeya dalka Shiinaha iyo Puntland uu yahay mid wanaagsan oo soo jireena, taasna ay tusaale u tahay mashaariicda horumarineed ee dalka Shiinaha uu ka fuliyey gudaha Puntland iyo kuwa hadda kasocdaba, isla markaana waxa uu Madaxweynuhu tilmaamay in Puntland diyaar u tahay adkaynta iyo xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada dhinac.

Dhankiisa, Mr. Qin Jian ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin dhankooda adkaynta xiriirka wanaagsan ah ee ka dhexeeya Puntland iyo dalka Shiinaha iyo sidoo kale dardar gelinta iskaashiga labada dhinac ee arrimaha ganacsiga, waxbarashada iyo caafimaadka, waxaana uu sidoo kale xusay safiirku inuu ku faraxsanyahay imaanshaha Garoowe iyo guud ahaan gudaha Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*