Madaxweynaha dowladda Puntland oo qaabilay safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya

Madaxweyne Deni iyo safiir Nicolas oo saxaafada la hadlaya, July 10, 2019. [Isha Sawirka: Puntland State House]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya maanta oo Arbaco ah ku qaabilay madaxtooyada Garoowe.

Kulanka u dhaxeeyay madaxweyne Deni iyo safiir Nicolas Berlanga Martinez ayaa diirada lagu saaray xaaladda Soomaaliya gaar ahaan Puntland sida ammaanka, siyaasada, mashaariicda horumarineed ee Midowga Europe ka fuliyo Puntland iyo arrimaha gargaarka, sida lagu sheegay war-saxaafeed kasoo baxay madaxtooyada Puntland.

Shir jaraaid ayay wadajir u wada qabteen kulanka kadib, waxaana madaxweynaha Puntland yiri: “Waxaan Puntland hadaan nahay u sheegnay una cadeynay inaan marwalba diyaar unahay inaan qeyb libaax-leh ka qaadano dib-udhiska Soomaaliya, ku dhisan midnimadii Soomaaliya, ku dhisan midaamka federaaliga ah ee ay qaadatay. Waxaan marwalbo rajeynaynaa in Puntland doorkeedu uu caddaado, dadkeeda ay u adeegto, Soomaaliya ay ka qeybqaadato sidii horumar waara ay u gaari lahayd oo ku dhisan nidaam iyo sharci, iyadoo la tixgelinayo marxaladaha siyaasadeed ee hada la marayo.”

Waa safarkiisii ugu horeeyay oo uu Puntland ku yimaado safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Nicolas Berlanga Martinez kaasoo dhawaan la soo magacaabay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*