Madaxweynaha dowladda Puntland oo kulan la qaatay jaaliyada Puntland ee dalka Norway

Jaaliyada Puntland ee dalka Norway. [Xigashada Sawirka: Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada]
Oslo-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa xalay oo Arbaco ahayd kulan la qaatay jaaliyada Puntland ee ku dhaqan magaalada Oslo ee dalka Norway.

Madaxweyne Cabdiweli ayaa jaaliyada uga waramay xaaladaha ka jira gudaha Puntland.

Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali oo la hadlayay jaaliyada Puntland ee Norway. [Xigashada Sawirka: Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada]

Isaga oo ka hadlayay kulanka Madaxweynaha ayaa yiri: “”Puntland waxay qaaday dhabahii horumarinta, waxaan xooga saaraynaa kaabayaasha dhaqaalaha iyo hurumarinta waxabarashada iyo caafimaadka.”

Kulanka ayaa waxaa ka qeybgalay jaaliyada Puntland ee gudaha dalka Norway iyo sidoo kale qurbajoog reer Puntland ah oo ka kala yimid wadamada dariska la ah Norway sida Sweden iyo Denmark.

Madaxweynaha Puntland ayaa maalmihii u dambeeyay safar ku marayay wadamada Yurub kadib markii uu ka qeybgalay shir-weynihii Soomaalida ee lagu qabtay magaalada London ee dalka UK.

About Puntland Mirror 839 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*