Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Garoowe kulan kula yeeshay ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya

Madaxweynaha Puntland oo madaxtooyada ku soo dhaweynaya ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya. [Isha Sawirka: Puntland State House]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa maanta Garoowe kulan kula yeeshay ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimo ay kamid yihiin doorashada soo socota ee Soomaaliya, xoojinta amniga, dimuqraadiyeynta iyo hirgelinta Qorshaha Horumarinta Puntland, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*