Madaxweynaha dowladda Puntland oo Boosaaso tagay

Madaxweynaha dowladda Puntland oo Boosaaso tagay. [Sawirka: Xafiiska warfaafinta madaxtooyada]
Madaxweynaha dowladda Puntland oo Boosaaso tagay. [Sawirka: Xafiiska warfaafinta madaxtooyada]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta oo Talaado ah tagay magaalo xeebeedka Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, sida ilo-wareedyo katirsan dowladda ay u xaqiijiyeen Puntland Mirror.

Cabdiweli oo wariyeyaasha la hadlay ayaa ka waramay howlihii u soo qabsoomay mudadii uu ku sugnaa magaalada Muqdisho, waxaana uu sheegay in hoggaamiyaasha siyaasadda Soomaaliya sidoo kale loo yaqaan Madasha Qaran ay meel wanaagsan keeneen arrimaha doorashooyinka Soomaaliya waxaana uu xusay in ay rajaynayaan isbadal wanaagsan in ay kasoo baxaan. 

“Waxaan muddo labo asbuuc ah ku sugnayn aniga iyo wefti aan hoggaaminayey magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaliya waxaanuna ka qeybgalay shirkii Madasha Wadatashiga Soomaliyeed, runtii waxay hoggaanka Madasha Soomaliyeed guulo weyn ka gareen sidii ay u dhammaystiri lahayeen doorashada soomaliya, saad lawada socotaana baarlamaankii Soomaaliya waxa uu gudanayaa waa jibadkiisii shaqo, waxaan rajaynaynaa inuu isbedel dhaba oo Soomaali oo dhami ku aflaxdo uu yimaado.’’Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Inta uu safarkiisa Boosaaso ku guda jiro, Madaxweyne Cabdiweli ayaa la kulamo la yeean doona masuuliyiinta dowladda iyo saraakiisha ammaanka si uu u gala hadlo arrimaha ammaanka la xirrira.

Asbuucyadii ugu dambeeyay ee lasoo dhaafay, saddex sargaal oo sare oo dowladda katirsanaa ayaa lagu dilay weeraro ka dhacay magaalada Boosaaso, oo ay masuuliyadooda sheegteen kooxda hubaysan ee Al-Shabaab.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*