Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali oo magaalada Gaalkacyo ka degay

Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali oo magaalada Gaalkacyo ka degay. [Xigashada Sawirka: Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta oo Arbaco ah tagay magaalada Gaalkacyo kadib safar uu muddo labo todobaad ah ku joogay dalka Isutaga Imaaraatka Carabta.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Gaalkacyo ee Cabdulaahi Yuusuf Axmed si diiran ugu soo dhaweeyay masuuliyiinta maamulka gobolka Mudug iyo degmada Gaalkacyo iyo saraakiil katirsan dowladda.

Madaxweyne Cabdiweli oo la hadlay wariyeyaasha ayaa sheegay in safarkii isaga iyo weftigiisu ay ku tageen dalka Imaaraatka Carabta uu ahaa mid guul weyn u soo hooyey dowladda Puntland iyo shacabkeeda maadaama saxiixa mashruuca balaarinta iyo dib u casriyaynta dekeda magaalada Boosaaso uu wax weyn ka bedelidoono guud ahaan kaabayaasha dhaqaalaha Puntland, isla markaana ay ka qayb qaadan doonto horumarka ay tiigsanayso Puntland iyo shacabkeedu.

“Waxa ay noo tahay farxad weyn inaan maanta dalka ku soo laabano gaar ahaan caasimada gobolka Mudug ee Gaalkacyo, waxaanu muddo todobaada ku maqnayn dalka isutaga Imaaraatka Carabta iyo Itoobiya oo aanu iminka soo marnay, muhiimada aanu u baxnayna waxay ahayd saxiixii balaarinta iyo dib u casriyaynta dekeda magaalada Boosaaso ee 6-dii April 2017-ka dhacay magaalada Dubai ee dalka isutaga Imaaraatka Carabta, runtii waa mashruuc wax weyn kusoo kordhinaya dalka gaar ahaan kor uqaadista kaaba yaasha dhaqaalaha dalka, ganacsiga,wax soosaarka iyo shaqo abuurista intaba,” ayuu yiri Madaxweynaha dowladda Puntland.

Dhinaca Kale, Madaxweeynaha ayaa uga mahadnaqay cidwalba oo ka shaqaysay nabadaynta iyo xasilinta maagaalada Gaalkacayo, waxaana uu ugu baaqay shacabka gobolka Mudug inay gacmaha is-qabsadaan isla markaana ay ka wada-shaqeeyaan wax kasta oo ay ku jirto maslaxadoodu.

“Farxad ayay noo tahay in aan nimaadno gobolka oo nabada gaar ahaan magaalada, intii shaqadaa qabatayna aad ayaan uga mahadnaqayaa uguna bogaadinaya, uguna ammaanayaa, waa intaas oo aad kala sii dhowaataan, magaaladani waxay u baahantahay nabad iyo horumar, colaad iyo xiisadna waa ka soo daleen, cid xiise u qabtaana in ay jirto u malayn maayo, waxaan labada dhinacba ugu baaqayaa in ay nabada ka fa’iidaystaan horumarka magaalada laga wada shaqeeyo, dadka walaalaha ahina ay ku wada nooladaan nabad gelyo iyo wadajir ayaan rajaynaynaa insha allahu.” Ayuu ku daray.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*