Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya oo qaabilay safiirka Jarmalka u qaabilsan Soomaaliya iyo Kenya

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya oo qaabilay safiirka Jarmalka u qaabilsan Soomaaliya iyo Kenya . [Xigashada Sawirka: Radio Muqdisho]
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya oo qaabilay safiirka Jarmalka u qaabilsan Soomaaliya iyo Kenya . [Xigashada Sawirka: Radio Muqdisho]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo Arbaco ah xarunta madaxtooyada ku qaabilay safiirka Jarmalka u qaabilsan Soomaaliya iyo Kenya Ambassador Jutta Frasch.

Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay xafiiska warfaafinta madaxtooyada, kulanka ka dhacay madaxtooyada Villa Soomaaliya, oo dhexmaray Madaxweynaha iyo safiirka ayaa diirada lagu saaray sidii dib loogu soo celin lahaa xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya labada dal.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dowladdiisu ay diyaar u tahay sidii loo soo celin lahaa lana iskaashiga ballaaran ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Jarmalka.

Dhankeeda,  Jutta Frasch, ayaa sheegtay in ay dib u soo nooleyn doonto dowladda Jarmalka mashaariicdii ay horey uga fulin jirtay Soomaaliya, sida dib u dhiska adeegga waxbarashada, gaar ahaan dugsiyadii farsamada gacanta, tababarrada xirfadaha dhallinyarada iyo ka qeyb-qaadashada kor u qaadidda tayada ciidammada ammaanka Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, Mudane Cabdi-salaam Hadliye Cumar iyo agaasimaha guud ee madaxtooyada Soomaaliya Cali Fiqi.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*