Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo mar labaad shir wadatashi ugu yeeray madaxda Dowlad Goboleedyada

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir wadatashi ugu yeeray madaxda Dowlad Goboleedyada sii looga wada hadlo xal u helista khilaafka taagan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay madaxda Dowlad Goboleedyada in iyaga oo eegaya danta dalka iyo dadka ay aqbalaan dalabka Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo sii xoojiyo dadaallada lagu xaqiijinayo midnimada, wax wada qabsiga iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiska madaxtooyada Villa Soomaaliya xalay.

“Uma ogolaan karno kala aragti duwanaansho siyaasadeed darteed in gaabis ku yimaado guulihii sida adag aanu ku yagleelnay ee la xiriiray dib u dhiska dalka iyo hay’adaha dowliga ah. Wadahadal iyo midnimio dhab ah oo kelliya ayaa inoo sahli kara inaanu hore uga sii dhaqaaqno halka aan hadda taagannahay. Talo iyo cudud mid ah ayaanu uga adkaan karnaa kooxda arxan laaweyaasha ah ee Al-Shabaab si aanu u gaarsiino dadkeenna nabad, barwaaqo iyo horumar.” Ayuu ku yiri bayaanka.

Madaxweynaha ayaa sheegay inay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka garaabeyso wixii tabashooyin ah ee ay tirsanayaan Dowlad Goboleedyada, isagoo intaas ku daray in wadahal ku dhisan wadatashi, isqancin iyo isu-tanaasul ay diyaar u tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo dardargaliyo dadaallada dib u dhiska, dib u xoreynta iyo nabadeynta dalka.

Madaxweyne Maxamed Cabbdullaahi Farmaajo ayaa intaas raaciyay inuu xiriir la sameynayo dhammaan Madaxda Dowlad Goboleedyada, isaga oo aaminsan in dhabbaha wadahadalka, iskaashiga iyo isu-tanaasulka uu yahay midka kaliya ee lagu gaari karo nabad iyo horumar.

Bishii September, madaxda sare ee Dowlad Goboleedyada Soomaaliya oo kala ah Puntland, Jubbaland, Galmudug, Hir-Shabeelle iyo Koonfur Galbeed oo magaalada Kismaayo shirk u yeeshay ayay ku hakiyeen wadashaqeynta Dowladda Dhexe, balse Hir-Shabeelle ayaa dib uga baxday mowqifkaas iyaga oo heshiis la gaaray Dowladda Federaalka.

Waa markii labaad oo Madaxweyne Farmaajo uu madaxda Dowlad Goboleedyada ugu yeero shir wadatashi tan iyo bishii September.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*