Madaxweynaha dowlada Puntland oo u safray Itoobiya

IMG_3543
Madaxweynaha oo ay garoonka kusii sagootiyeen, madaxweyne ku xigeenka iyo masuuliyiin kale oo dowlada ah. Sawirka: xafiiska warfaafinta madaxtooyada.

Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta oo Arbaco ah u safray dalka Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa waxaa safarkiisa Itoobiya ku waheliyay xubno kamid ah golaha xukuumada.

Madaxweyne Cabdiweli ayaa ka hor intii aanu ka amba bixin garoonka diyaaradaha kumeel gaarka ah ee Konooko waxa uu warbaahinta u sheegay in uu dalkaasi u aadi doono hawlo shaqo oo ay ka mid tahay  dhammaystirka wadahadalo u socdey dawladda Puntland iyo dawladda Itoobiya oo la xiriira iskaashiga dhinacyada ganacsiga iyo ka hor tagga xag-jirnimada.

“Maanta waxaan safar shaqo oo dhowr beri ah u aadi doonaa magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, oo aan u aadayo dhammaystirka hawlo qabyo ah oo muddo noo soo socdey oo ay ka mid tahay iskaashiga ganacsiga, Nabad-gelyada iyo ka hor tagga argagixisada oo labada dawladoodba ku ah dhib joogto ah” ayuu yiri Madaxweyne Cabdiweli.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*