Madaxweynaha dowlada Puntland oo la kulmay wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali oo xafiiska madaxtooyada Garoowe ku qaabilay safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Michael Cervone. [Sawirka: xafiiska warfaafinta madaxtooyada Puntland]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta oo Sabti ah la kulmay wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michael Cervone.

Sida bayaan kasoo baxay madaxtooyada lagu sheegay, kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarineed ee Midowga Yurub ay ka wado Puntland kuwaasoo ay kamidyihiin, barnaamijyada caafimaadka, iyo mashruuca dib u dayactirka wadada isku xirta Garoowe iyo Gaalkacyo oo dhawaan la filayo in shaqadeeda ay bilaabmato.

Sidoo kale labada dhinac waxay kawada hadleen arrimaha Soomaaliya gaar ahaan hanaanka doorashooyinka dalka ka dhici doona dhawaan.

Kulanka ayaa madaxweynaha waxaa kala qaybgalay wasiirka qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah Shire Xaaji Faarax iyo agaasimaha madaxtooyada Deeq Saleebaan.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*