Madaxweynaha dowlada Puntland oo Madaxweynaha Turkiga ugu hambalyeeyay inqilaabkii fashilmay

Madaxweynaha dowlada Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali. Sawirka: Xafiiska warfaafinta madaxtooyada.

Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha dalka Turkiga Reccep Tayyib Erdogan kadib markii uu ka badbaaday afgembi ay sameeyeen qayb kamid ah cuudamada oo ay rabeen in xukuumada Erdogan ay ku afgembiyaan.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in muddadii uu xilka hayey xisbul-xaakimka talada dalkaasi haya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Reccep Tayyib Erdogan uu waddankaasi gaarsiiyey horumar aad u ballaaran, dhammaan dhinacyada kaabayaasha dhaqaalaha, siyaasadda iyo xiriirada uu dalkaasi la leeyahay waddamada caalama.

“waxaan ugu hambalyaynayaa Madaxweyne Erdogan horumarka, Nabadda iyo Barwaaqada uu gaadhsiiyey dalkiisa, waan ogahay Turkiga maalintii xisbigaani qabsaday meeshii uu jogey iyo maanta halka uu marayo farqiga u dhexeeya”.

“Shacab weynaha Turkigana waxaan ku bogaadinayaa siday u garab istaageen dawladdooda, ulana dagaallameen kooxihii qaska wadey, waxayna arrintaani tusaale u tahay cid walba oo isku dayda in ay ka hor tagto rabitaanka shacabiga”ayuu yiri Madaxweyne  Cabdiweli Maxamed Cali.

Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali waxa uu xusay dawladda Turkigu in ay tahay dawladda keliya ee Soomaaliya usoo gurmatay xilligii ugu adkaa ee shacabka Soomaaliyeed ay isugu biireen colaadaha daba dheeraaday iyo abaarihii lagu cayroobey.

“Turkigu waa dawlad walaaleheen ah, waad la socotaan oo waa dawladda keliya ee inoo soo gurmatey markii dhibaatada iyo majaacadu ay dalkeena ku dhacday, ilaa iyo haddana waxay ka wadaan dalkeena horumar”. Ayuu yiri Madaxweynaha.

“Anigoo ku hadlay magaca dawladda iyo shacabka Puntland waan u hambalyaynayaa dawladda iyo shacabka Turkiga, waxaana rajeynayaa maanta dawladnimadoodii way badbaadsadeene in ay sii bullaalaan horumarkoodana sii wataan,” ayuu ku daray Madaxweyne  Cabdiweli Maxamed Cali.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*