Madaxweynaha dowlada Puntland oo la kulmay raysulwasaare ku xigeenka dalka Turkiga

Madaxweynaha Puntland Turkiga
Madaxweynaha dowlada Puntland oo la kulmay raysulwasaare ku xigeenka dalka Turkiga. Sawirka: xafiiska warfaafinta madaxtooyada.

Istanbul-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali oo maanta gaaray dalka Turkiga ayaa kulan la qaatay raysulwasaare ku xigeenka Turkiga Versi Kaynak.

Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiska warfaafinta madaxtooyada Puntland labada dhinac ayaa kulankooda diirada ku saaray sidii kor loogu qaadi xiriirka maamulka Puntland iyo dalka Turkiga iyo sidii dowlada Turkiga mashaariicda ay ka fuliso Soomaaliya ay Puntland qaybteeda uga heli lahayd.

Turkiga oo mashaariic badan ka fuliyay gudaha Soomaaliya, ayaan wax mashaariic ah ka hirgalin deegaanada Puntland, balanqaadyo hore oo Turkiga sheegay in mashaariic ay ka fulinayaan Puntland ayaan wali waxba ka hirgalin.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*