Madaxweynaha dowlada Puntland oo la kulmay haweenka gobolka Mudug

Madaxweynaha dowlada Puntland oo kulan kula qaatay haweenka gobolka Mudug. Sawirka: Xafiiska warfaafinta madaxweynaha.

Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta oo Axad ah kulan kula yeeshay magaalada Gaalkacyo haweenka gobolka Mudug.

Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay xubno ay kamid ahaayeen, marwada kowaad ee Puntland Hodon Siciid Ciise, wasiiradii hore haweenka Puntland Caasho Geele Diiriye iyo xubno kale oo kamid ah ururada haweenka gobolka Mudug.

Haweenka ayaa  waxa ay ka codsadeen Madaxweynaha in laga qayb geliyo haweenka golaha deegaanka ee degmada Gaalkacyo ee la soo dhisi doono maalmaha soo socda si ay qayb ugu yeeshaan talada dalka.

Madaxweyne Cabdiweli ayaa sheegay in haweenka gobolka Mudug ay yihiin dadka ugu firfircoon ee ka shaqeeya horumarka magaalada sidoo kalena la shaqeeya laamaha amniga si loo sugo nabad-gelyada gobolka.

Cabdiweli ayaa tilmaamay in haweenka gobolka Mudug ay xaq u leeyihiin in ay ka qayb qaataan golaha deegaanka degmada Gaalkacyo iyo xilalka sare ee dalkaba isla markaana ay dawladdiisu tahay mid marwalba door muhim ah siinaysa xuquuqda haweenka.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*