Madaxweynaha dowlada Puntland oo kala diray golahii deegaanka Gaalkacyo

Golaha deegaanka degmada Gaalkacyo.

 

Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta oo Isniin ah kala diray golahii deegaanka degmada Gaalkacyo, sida uu sheegay afhayeenka madaxtooyada.

Afhayeenka madaxtooyada dowlada Puntland Cabdulaahi Maxamed Jaamac “Quraanjecel” oo saxaafada kula hadlay magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in digreeto uu soo saaray Madaxweynaha lagu kala diray golihii deegaanka degmada Gaalkacyo.

Quraanjecel ayaa sheegay in Madaxweynaha uu si kumeel gaar ah ugu magacaabay duqa degmada Gaalkacyo Maxamuud Yaasiin Tumay.

Kala dirida ayaa imaanaysa kadib markii saddex qof oo katirsanaa dowlada lagu khaarajiyay magaalada Gaalkacyo intii lagu jiray bishii lasoo dhaafay.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*