Madaxweynaha dowlada Puntland oo dhagax-dhigay xarun cusub oo ay yeelan doonto wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare

Madaxweynaha Puntland oo dhagax-dhigaya xarunta wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland. Sawirka: Xafiiska warfaafinta madaxtooyada Puntland.

Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta oo Axad ah dhagax-dhigay dhisme cusub oo ay yeelan doonto wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland.

Munaasabada dhagax-dhiga ayaa waxaa madaxweynaha ku waheliyay wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland Abshir Yuusuf Ciise, wasiir ku xigeenkiisa Maxamed Cali Faarax iyo saraakiil kale oo katirsan dowlada.

Madaxweyne Cabdiweli oo munaasabada dhagax-dhiga hadal ka jeediyay ayaa ku amaanay wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare dadaalka ay ugu jirto dar-dar gelinta adeegyada ay kor ugu qaadayso aqoonta bulshada Puntland.

Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland ayaa kamid ah wasaaradaha ugu waa-weyn Puntland.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*