Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali oo u safray dalka Isutaga Imaaraatka Carabta

Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali oo u safray dalka Isutaga Imaaraatka Carabta.
Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali oo u safray dalka Isutaga Imaaraatka Carabta. [Xuquuqda Sawirka: Xafiiska warbaahinta madaxtooyada]
Garoowe (Puntland Mirror) Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta oo Sabti ah u safray dalka Isutaga Imaaraatka Carabta.

Isaga oo saxaafada maxaliga ah kula hadlayay garoonka kumeel gaarka ah ee Kanooko oo kuyaala duleedka waqooyiga ee caasimada Garoowe, Madaxweynaha ayaa sheegay in ujeedada safarkiisa Imaaraatka uu salka ku hayo sidii ay dowlada Isutaga Imaaraatka Carabta u gala hadli lahaayeen arrimo muhiim ah oo la xiriira mashaariicda horumarineed iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha Puntland oo ay kamid tahay barnaamijka balaarinta dekada magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka kusii sagootiyay madaxweyne ku xigeenka Cabdixakiim Cumar Camay iyo guddoomiyaha baarlamaanka Axmed Cali Xaashi.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*