Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali oo gaaray magaalada Baydhabo

IMG_6793
Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali iyo madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan.

 

Baydhabo-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta maamul goboleedka Koonfur Galbeed si uu uga qaybgalo shirka madasha qaran.

Waxaa madaxweynaha garoonka diyaaradaha si heer saraysa ugu soo dhaweeyay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan, masuuliyiin dowlada federaalka ka socday iyo dad weyne badan oo shacab ah.

Madaxweynaha ayaa kadib loo galbiyay xarunta madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed.

Baydhabo ayaa markii kowaad martigelinaysa madashaas qaran oo horey kulamadii kan ka horeeyay loogu soo qabtay magaalooyinka Garoowe, Muqdisho iyo Kismaayo.

Amaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay. Waxaa sidoo kale Baydhabo gaaray madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaan.

Shirka madasha qaran ayaa lagu wadaa inuu galabta ka furmo Baydhabo waxaana looga hadlayaa hanaanka doorashooyinka dalka ka dhacaya bisha Agoosto ee sanadkan 2016-ka.

 

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*