Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya oo kulan sagootin ah u sameeyay safiirkii Burundi u fadhiyay Soomaaliya

Kulan sagootin ah
Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan sagootin ah u sameeyay safiirka Burundi.

Muqdisho-(Puntland Mirror)Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta oo Khamiis ah kulan sagootin ah la qaatay safiirka dalka Burundi u fadhiya Soomaaliya, Jen. Joseph Nkurunziza oo waqtigiisii safiirnimo uu dhamaaday.

Madaxweyne Xasan ayaa uga mahadceshay safiirka sida wanaagsan ee uu gutay shaqadiisa mudadii labada sanno ahayd ee uu xafiiska hayay oo uu safiir wadankiisa uga ahaa Soomaaliya.

Dhanka kale, safiirka waqtigiisa dhamaaday ee Burundi ayaa hadal ka jeediyay kulanka uu Madaxweynaha la yeeshay, wuxuuna uga mahad-celiyay Madaxweynaha Soomaaliya, masuuliyiinta kale ee Dowladda iyo Shacabka, sidii wanaagsaneyd ee ay ula shaqeeyeen intii uu joogay Soomaaliya.

Burundi ayaa ah dalka labaad ee ugu badan oo ku deeqay ciidamada nabad ilaalinta Midowga afrika ee ku sugan gudaha Soomaaliya.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*