Madaxweynaha DFS Xasan Shiikh Maxamuud oo ka tacsiyeeyay geerida Janaraal Maxamed Cali Samatar

Xasan
Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyskii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday S/Guud Maxamed Cali Samatar oo xukuumadii kacaanka ee Soomaaliya ka soo qabtey xilal sare.

Madaxweynaha ayaa S/Guud Samatar ku tilmaamay inuu ahaa shakhsi dalkiisa wax badan oo waxtar leh u soo qabtey.

“Innaa Lillaahi wa Inaa Ileyhi Raajicuun. anigoo ku hadlaya magaceyga, iyo kan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaan tiiraanyada la wadaagayaa qoyska, ehelada iyo shacabka Soomaaliyeed geeridan ku timid S/Guud Maxamed Cali Samatar. Waxaa uu ahaa waddani kaalin weyn ka qaatey dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo waagaas noqdey kuwa ugu firfircoon uguna tayo wanaagsan Afrika.” sidaa ayuu bayaan ku yiri Madaxweynaha.

Maxamed Cali Samatar oo xilal badan kasoo qabtey dowladii kacaanka ahayd ee Madaxweyne Maxamed Siyaad Bare ayaa ku geeriyooday xalay oo Sabti ahayd gobolka Virginia ee dalka Maraykanka, sida ay xaqiijiyeen qoyskiisa.

Janaraal Samatar ayaa dalka kasoo noqdey Madaxweyne Ku-Xigeenka 1-aad, Raysulwasaare, iyo Wasiirka Gaashaandhiga xilligii dowladii kacaanka.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*