Madaxweynaha DFS oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Sucuudi Caraabiya

Madaxweynaha DFS oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Sucuudi Caraabiya. [Sawirka: Radio Muqdisho]
Madaxweynaha DFS oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Sucuudi Caraabiya. [Sawirka: Radio Muqdisho]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta oo Arbaco ah waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka Sucuudigu uu u soo magacaabay Soomaaliya.

Safiir Maxamed Cabdiqani Al-khayat ayaa waxaa soo magacaabay boqorka Sucuudiga Salmaan Binu-cabdicaiis.

Xasan Shiikh ayaa safiirka uga mahadceshay imaanshihiisa Soomaaliya, waxaana uu sheegay in dolwadda Soomaaliya ay si wanaagsan u la shaqayn doonto safiirka cusub ee Sucuudiga.

Dhankiisa, safiir Maxamed Cabdiqani Al-khayat ayaa uga mahadceshay madaxweynaha soo dhaweynta, waxaana uu balanqaaday in uu kor u qaadi doono xiriirka ka dhaxeeya labada dal.

Soomaaliya iyo Sucuudi Caraabiya ayaa leh xiriir taariikhi ah, balse wixii ka dambeeyay markii ay burburtay dowladdii Maxamed Siyaad Bare sanadkii 1991-dii labada dal ayaan yeelan iskaashi balaaran, iyadoo ilaa iyo hadda safiirka Succudiga u qaabilsan Soomaaliya ay xaruntiisu kutaal magaalada Nayroobi ee caasimada dalka Kenya.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*