Madaxweynaha cusub ee dalka Gambia oo haweenay u magacaabay madaxweyne ku-xigeen

Fatoumata Tambajang Jallow
Madaxweynaha cusub ee dalka Gambia Adama Barrow oo Fatoumata Tambajang Jallow u magacaabay madaxweyne ku-xigeen. [Sawirka: The Fatu Network (TFN)]
Dakar-(Puntland Mirror) Madaxweynaha cusub ee la doortay ee dalka Gambia Adama Barrow ayaa haweenay u magacaabay madaxweyne ku xigeenkiisa.

Fatoumata Tambajang Jallow oo ahayd diblomaasiyad hore oo Qaramada Midoobay ka tirsanayd sidoo kalena ahayd wasiirkii caafimaadka madaxweynihii hore Yahya Jammeh ayuu Barrow u doortay madaxweyne ku xigeen.

Madaxweyne Adama Barrow oo dhawaan lagu caleemosaaray dalka dariska ah ee Senegal ayaa la filayaa in asbuucaan gudihiisa uu tagi doono caasimada Gambia ee Banjul.

Barrow ayaa sidoo kale la filayaa in uu iclaamiyo golaha wasiiradiisa cusub, marka uu dalkiisa ku noqdo.

Mar sii horeysay, madaxweyne Barrow ayaa wariyeyaasha ugu sheegay gudaha dalka Senegal in uu dalkiisa dib ugu noqonayo marka la sugo ammaanka.

Axadii lasoo dhaafay, ciidamo millatari oo ka socda wadamada gobolka ayaa la wareegay madaxtooyada Gambia waxayna hubka ka dhigeen dhammaan ciidamada, ciidamada huwanta ah oo ku hubaysan taangiyo gaashaaman ayaa ilaalo ka haya caasimada Banjul.

Dhan kale, madaxweynihii hore Yahya Jammeh ayaa bilowgii asbuucaan ka tagay dalka uu 22-ka sanno hoggaaminayay isaga oo gaaray dalka Guinea.

Yahya Jammeh oo doorashadii madaxweynaha ee dhacday bishii December ee sanadkii lasoo dhaafay looga adkaaday ayaa diiday in uu xilka ka dego, balse markii dambe ayuu yeelay kadib markii dalalka Galbeedka Afrika ay ku hanjabeen in ay xilka uga tuurayaan awood milatari.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*