Madaxii maleeshiyada Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Hoose oo isku-dhiibay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya

Sargaalka katirsan Al-Shabaab ee isku dhiibay ciidamada dowladda. [Xigashada Sawirka: Radio Muqdisho]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxii maleeshiyada Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa isku dhiibay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, sida ay ku warantay idaacada dowladda ee Radio Muqdisho maanta oo Sabti ah.

Sargaalka is-dhiibay ayaa magaciisa lagu sheegay Ibraahim Maxamed Bitow, sida ay sheegtay idaacadu.

Mid kamid ah Ilaladiisii ayaa sidoo kale isku dhiibay ciidamada dowladda, gaar ahaan qeybta guutada 14-ka Oktoobar, kuwaasoo ka howlgala gobolka Shabeellaha Hoose, Radio Muqdisho ayaa intaas ku dartay.

Tilaabadan ayaa timid kadib markii maleeshiyada Al-Shabaab ay asbuucii lasoo dhaafay kordhisay weerarada ay ka fuliso magaalada Muqdisho.

Ku dhawaad 30 qof ayaa ku geeriyootay qaraxyo iyo weeraro qorsheysan oo maleeshiyadu ay ka fulisay Muqdisho asbuucii tagay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*