Maamulka Somaliland oo sheegay in ay taageersanyihiin Sucuudi Caraabiya iyo xulufadiisa ee ka soo horjeeda Qatar

Wasiirka Arrimaha Dibada Somlailand, Sacad Cali Shire. [Sawirka: Screen shot]
Hargeysa-(Puntland Mirror) Maamulka iskood isku magacaabay ee Somaliland ayaa si rasmi ah u sheegay in ay taageersanyihiin Sucuudi Caraabiya iyo xulufadiisa ee ka soo horjeeda Qatar, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibada.

Sacad Cali Shire oo ah Wasiirka Arrimaha Dibada Somlailand ayaa maanta oo Sabti ah iclaamiyay bayaanka kadib muddo saacado ah oo golaha wasiiradda Somaliland ay lahaayeen kulan deg deg ah.

Tilaabada ayaa imaanaysa iyada oo dowladda Soomaaliya ay dhex-dhexaad ka noqotay colaada wadamada Carabta ayna u jeedisay in wadahadal loo maro khilaafka u dhaxeeya xulufada Sucuudiga iyo Qatar, balse ilo-wareedyo diblomaasiyadeed ayaa sheegaya in masuuliyiinta Sucuudiga ay ka caroodeen go’aanka Soomaaliya qaadatay.

Bilowgii asbuucii lasoo dhaafay, Sucuudi Caraabiya, Masar, Baxrayn, Yemen iyo Isutaga Imaaraatka Carabta ayaa xiriirka diblomaasiyadeed u jaray Qatar, iyaga oo ku eedeeyay in ay taageerto ururo argagixiso oo ka jira gobolka, balse Qatar waa ay diiday eedaymahaas.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*