Wasiirka Arrimaha Dibada maamulka Somaliland Sacad Cali Shire. [Sawirka]
Hargeysa-(Puntland Mirror) Maamulka Somaliland ayaa sheegay in ay dib u dhigeen wadahadaladii ay la geli lahaayeen dowladda federaalka Soomaaliya, sida uu sheegay masuul katirsan Somaliland.

Sacad Cali Shire, oo ah Wasiirka Arrimaha Dibada maamulka Somaliland ayaa Sabtidii warbaahinta ugu sheegay Hargeysa in ay muddo bil ah dib u dhigeen wadahadalada.

Maalmihii lasoo dhaafay, khilaafka u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa xumaa kadib markii dowladda Soomaaliya ay sharci daro ku tilmaamtay heshiiska ay Somaliland la gashay DP World ee dekada Berbera.

Share this story about sharing

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Scroll Up