Maamulka Jubbaland oo sheegay in ciidamadoodu ay dagaal ku dileen 13 dagaalyahan oo Al-Shabaab katirsan

Meydka dagaalyahanada Al-Shabaab oo ay soo bandhigeen Jubbaland. [Sawirka: Facbook]
Kismaayo-(Puntland Mirror) Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ciidamadoodu ay dagaal ku dileen 13 dagaalyahan oo katirsan maleeshiyada Al-Shabaab, sida ay sheegeen saraakiisha Jubbaland.

Dagaalka ayaa dhacay kadib markii dagaalyahano katirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidan oo la dhaho Lugloow oo kuyaala duleedka magaalo xeebeedka Kismaayo habeenimadii xalay.

Khaalid Shiikh Cabdulaahi, oo katirsan saraakiisha amniga Jubbaland ayaa warbaahinta u sheegay in weerarka ay ku dileen 13 dagaalyahan oo Al-Shabaab ah.

Sargaalka ayaa sidoo kale sheegay in hub ay kamidyihiin AK-47 iyo PKM ay ka qabsadeen Al-Shabaab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*