Maamul goboleedyada Soomaaliya oo sameystay gole iskaashi, guddoomiyana u doortay madaxweynaha Puntland

Sawirka: Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cai oo uu dhinac faddhiyo madaxweynaha Jubbland Axmed Madoobe intii uu socday shirkii Kismaayo.

Kismaayo-(Puntland Mirror) Madaxweynayaasha maamul goboleedyada Soomaaliya oo maalmahaan Kismaayo shir uga socday ayaa sameystay gole iskaashi iyagoo madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali u doortay guddoomiyaha golaha iskaashiga maamul goboleedyada, sida lagu sheegay bayaan.

“Iyadoo la tixgelinayo qodobka 52-aad ee dastuurka qaranka oo tilmaamaya muhiimada ay leedahay iskaashi ay wada yeeshaan dowlad goboleedyada, ayaa goluhu wuxuu isku raacay in la asaaso Iskaashiga Dowlad Goboleedyada (GIDG),” ayaa lagu yiri bayaanka.

“Goluhu waxay guddoomiye iyo ku xigeen u kala doorteen sannadka kowaad madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas (guddoomiye) iyo madaxweynaha Hir-shabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare (ku xigeen),” ayaa lagu sii daray.

Ugu dambayn golaha ayaa bayaankooda ku sheegay in ay ka shaqeyn doonaan horumarinta danaha dowlad goboleedyada oo ay barbar socoto dib u heshiin dhab ah oo ku salaysan heer bulsho taas oo horseedi doonta deganaan iyo xasilooni waarta.

Tilaabadaan ayaa imaanaysa iyadoo uu jiro khilaaf u dhaxeeya dowladda dhexe ee uu hoggaaminayo madaxweyne Farmaajo iyo maamul goboleedyada, khilaafkaas ayaa sii xumaanayay maalmihii lasoo dhaafay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*