Maamul goboleedka Hirshabeelle oo sheegay in ay heshiis la galeen Dowladda Federaalka

Madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Maamul goboleedka Hirshabeelle ayaa sheegay in ay heshiis la gaareen Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Kadib wadahadalo dhexmaray madaxda dowlad goboleedka Hirshabeelle iyo madaxda Dowladda Federaalka waxaa laga heshiiyay tabashooyinkii gaarka ahaa ee Hirshabeelle ay Dowladda Federaalka u qabtay. Sidaa darteed dowlad goboleedka Hirshabeelle waxa uu Dowladda Federaalka la yeelan doonaa wadashaqeyn buuxda,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay maamulkaas maanta oo Arbaco ah.

Madasha Dowlad Goboleedyada Soomaaliya oo Hirshabeelle ay kamidtahay ayaa sheegay in ay hakiyeen xiriirka kala dhaxeeyay Dowladda Dhexe kadib shir ay ku yeesheen magaalada Kismaayo horaantii bishaan.

Kadib go’aankii Dowlad Goboleedyada, Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir wadatashi ah ugu yeeray madaxda sare ee Dowlad Goboleedyada, balse maamul goboleedyada ayaa shuruudo ku xiray wadahadalka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*