Maamul cusub oo loo magacaabay isbitaalka guud ee magaalada Garoowe

Irida hore ee isbitaalka Garoowe. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Maamul cusub ayaa loo magacaabay isbitaalka guud ee magaalada Garoowe.

Dr Xabiibo Nuux Ismaaciil ayaa loo magacaabay agaasimaha guud ee sibitaalka guud ee Garoowe, sida lagu sheegay digreeto ku taariikheynayd 22-ka May oo ka soo baxday xafiiska wasiirka caafimaadka dowladda Puntland Jaamac Faarax Xasan.

Dr Maxmuud Cabdirashiid Nuur ayaa sidoo kale loo magacaabay agaasime ku xigeenka.

Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdiraxmaan ayaa isna loo magacaabay agaasimaha maamulka iyo maaliyada ee isbitaalka guud ee Garoowe, sida lagu sheegay digreetada oo uu helay bog wareedka Puntland Mirror.

Hoos ka akhriso digreetada:

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*