Maalgalin (Investment) waxaa lagu qeexi karaa heshiis dhexmaraya qof lacag haysta (investor/Lender) oo aan haysan fikir ganacsi iyo qof lacag u baahan (Borrower) oo haysta fikir ganacsi oo mirodhal noqon kara.

Maalgalinta Islaamiga ahi, waa mid ka badqabta dhammaan waxyaabaha ka hor imaanaya diinteenna suubban sida ribada.

Maalgalintu, waxay saamayn togan ku leedahay guud ahaan waxsoosaarka iyo dhaqaalaha dalkaba, markasta oo maalgalinta wadanku badato waxaa kor u kacaya shaqaalaysiinta dalka taasoo keenaysa in waxsoosaarku kor u kaco halkaas ayaana waxaa ka dhalanaya koboc dhaqaale oo miro-dhala.

Maqaalkaan aan ugu magacdaray maalgalinta islaamiga ah waxaan rabaa inaan ku iftiimiyo hababka baananka islaamku wax u maalgaliyaan.

Baananka Islaamku marka ay maalgalin samaynayaan waxay adeegsadaan dhowr hab waxaana kamid ah Mushaaraka, Mudaaraba iyo Muraabaxa. Saddexdaas hab ayaan ku lafogorayaa qormadaan, anoo isku dayaya inaan soo koobo si fahanka iyo aqriskuba u fududaado.

  1. MUSHAARAKAH

Mushaarakah waa eray Carabi ah kaas oo asal ahaan laga soo dhanbalay “Shirkah” taasoo micnaheedu yahay wadaag.

Hay’adda bangiyada Islaamka u qaabbilsan xisaabaadka iyo hantidhowrka (AAOIFI) mushaarakada waxay ku qeexdaa “Heshiis wax isku darsi oo dhexmara labo qof iyo wax ka badan ujeeddadiisuna ay tahay inay sameeyaan faaiido”

Anigu waxaan mushaaraka ku qeexayaa “Mushaarakadu waa heshiis ganacsi wadaag kaasoo ku samaysma wax isku darsi dhexmara labo qof iyo wax ka badan oo ujeedkiisu yahay sidii loo samayn lahaa faa’iido xalaal ah iyo in la wadaago wixii khasaaro ah ee lala kulmo inta ganacsigaas wadaagga ah lagu jiro.”

Erayga mushaaraka waa eray ku cusub saaxadda culuumta, sidaa darteed ayaad ku arkaysaa inta badan buugta fiqiga erayga “Shirkah”. Shirkadana waxaa loo qeybiyaa: Shirkatul Milk iyo Shirkatul caqdi.

Shirkatul milki waxay noqon kartaa labo qeybood:-

  1. Wadaag doorasho ah (Optional, اختيار): waa midda ay dadku xor u yihiin waxay wadaagayaan. Tusaale, waxaa wax isku darsaday labo nin oo la dhaho Axmed iyo Faarax iyaga oo heshiis galay nooca wax isku darsigaas ayaa la dhahaa Wadaag doorasho ah.
  2. Wadaag Sandulle ah (Compulsory, جبر): waa midda ay qasab tahay in wax la wadaago mana ahan wax wadaag ku yimid doorasho xor ah waxaana tusaale u ah dhaxalka oo mar na ma dooran kartid ciddaad dhaxalka la wadaagayso laakiin waa wax uu Alle jideeyay.

Shirkatul caqdiga iyaduna waxay noqon kartaa dhowr qeybood oo kala ah:

  1. Shirkat-ul-amwaal شركة الاموال : shirkaddaan waxaa la isku darsanayaa maal (Capital) waana nooca ugu badan ee aan isticmaalno.
  2. Shirkat-ul-cinaan شركة العنان: waa heshiis wadaag oo dhexmaraya labo qof iyo wax ka badan waxayna isku darsanayaan qiyaas maal ah oo cayiman waxayna wadaagayaan faaiido iyo khasaare laakiin waxay gaarka la tahay waxa waaye inaysan khasab ahayn in si siman loo qeybsado faaiidada. Sidoo kale khasab na ma ahan inay hanti is le’eg isku darsadaan.
  3. Shirkat-ul-acmaal شركة الأعمال (الأبدان): noocaan wadaagga ah wax hanti ah la isku darsan mayo, labo qof oo xirfado leh ayaa kulmaya kadibna way midoobayaan say xirfaddooda ugu shaqaystaan waxay helaan ayayna u qeybsanayaan say ku heshiiyeen. Tusaale, waxaa qaabkaan isticmaala harqaanlayaasha iyo farayaamada dadka ka shaqeeya.
  4. Shirkat-ul-wujuuh شركة الوجوه: noocaan wadaagga ah wax hanti ah la isku darsan mayo, sida aan magaceeda ka garan karno waxaa lagu shirkoobayaa sumcaddooda iyaga oo sumcaddooda la isticmaalayo ayaa alaab lasoo qaadanayaa kadibna waa lasii iibiniyaa iyagoo faaiido dheeri ah ka raadinaya kadibna faa’iidadaas ayaa la qeybsanayaa.
  5. Shirkat-ul-mufawada شركة المفاوضة: waa nooc wadaag ah kaasoo ay shardi tahay in laga sinnaado waxa la isku darsanayo iyo waliba faa’iidada iyo khasaaraha uu qofkasta qaadanayo.

Shuruucda Mushaarakada:

Heshiiskasta oo Islaami ahi wuxuu leeyahay shuruuc iyo xeerar uu raaco oo haddii laga waayo na uu noqonayo heshiis aan jirin oo buraya. Shuruudahaasna waxaa ka mid ah:

  1. Maalka la isku darsanayo (Capital): waxaa shardi ah in la caddeeyo maalka la isku darsanayo, culimadu way isku khilaafeen in waxa la isku darsan karo uu yahay lacag caddaan ah kaliya iyo in kale. Doodduna waxay ku biyo shubatay in waxa la isku darsanayo hadduusan lacag ahayn loo baddalo lacag laguna qiimeeyo qiimaha buugga (Book Value), qiimaha buuggu waa markii lacagta shayga laga soo bixiyay laga jaray qiima dhaca ku yimaaday (Depreciation).
  2. Maamulka mushaarakada: sida caadiga dhammaan xubnaha wax wadaaga waa inay qeyb ka ahaadaan maamulka shirkadda. Laakiin waxaa howsha loo dayn karaa mid kamid ah dadka wax wadaaga ama waxay keeni karaan qof gaar ah oo u shaqeeya iyaga. Haddii dadka wax wadaagga ah maamulka kawada qeybqaadanayaa midkasta kan kale ayuu wakiil ka noqon karaa.
  3. Habka faa’iido wadaagga:
  4. Bilowga heshiiska waa in la caddeeyaa oo la qoraa laguna heshiiyaa qaabka loo qeybsanayo faa’iidda.
  5. Lama ogola in faaiidadu noqoto xaddi lacageed oo go’an (Lump sum amount) oo waxaaba dhici karta in faaiidada shirkaddu ay hal qof ku filnaato dadkii kale na cidlo kusoo dhacaan.
  • Faa’iida qeybta waa lagu salayn karaa boqolkiiba inta la maalgashtay.
  1. Haddii mid kamid ah dadka wax wadaagaya uu heshiiska ku galo inuusan ka qeybqaadanayn shaqada mushaarakada (Sleeping partner) faa’iidadiisu kama badan karto saamiga hantidiisa. Inkastoo Imam Axmed Bin Xanbal uu qabo in faaiidadiisu ay ka badan karto saamiga hantidiisa.
  2. Habka khasaare wadaagga:

Dhammaan culimada fiqigu waxay isku aragti ka yihiin qaabka loo qeybsanayo khasaaraha kaas oo ah in qofkasta uu khasaaraha ku yeesho intuu kulahaa hantida maalgalinta tusaale hadduu hantida maalgalinta kulahaa 30% waa inuu khasaarahana ku yeeshaa 30%.

Dhammaadka mushaarakada

  1. Mushaarakaddu waxay dhammaan kartaa markuu dhaco waqtigii heshiiska. Tusaale haddii lagu heshiiyay in shirko la ahaado hal sano oo kaliya markii waqtigaas la gaaro mushaarakadu waa dhammaanaysaa.
  2. Haddii mid kamid ah dadkii heshiiska mushaarakada kujiray uu dhinto, heshiisku qofkii ayuu la dhimanayaa dadka dhaxalqaatayaasha ah ayaana go’aanka leh inay mushaarakada kusii jiraan iyo inay ka baxaan.
  3. Haddii qof kamid ah dadkii heshiiska kujiray uu dhaho waanka baxayaa heshiiska qofkaas saamigiisii ayaa loo qiimaynayaa oo la siinayaa haddii la siin waayo na waxaa khasab ah in shirkadda la xaraasho si qofkaas qeybtiisii loo siiyo.

BANGIYADEENNU MUSHAARAKA MA ISTICMAALAAN?

Ogaalkay ma isticmaalaan hadday isticmaalaanna kuma badna habkaani bangiyadeenna. Laakiin dad weynaha ayaa aad u isticmaala mushaarakada.

Aragtidayda, mushaarakadu waa hab maalgalineedka ugu wanaagsan ee bangiyadu khasaaraha kaga badbaadi karaan waana hab bangiga iyo qof wax amaahanayaba ay khasaaraha iyo faaiidada ku wadaagayaan.

  1. MUDAARABA

Mudaaraba (مضاربة) waa heshiis kaas oo ay wada galayaan qofka hantida leh/bangiga (Rabbul Maal)  iyo qofka hantida ku shaqaynaya oo xirfadda haysta Muddaarib. Qofka hantida leh ama bangiga ayaa khasaaraha oodhan qaadanaya haddiise ay dayacaad ka timaado qofka maamulaha ah oo uu hantidii ku ciyaaro wuxuu qeyb ka qaadanayaa khasaaraha. Sida caadiga ah qofka maamulaha ah faa’iidada ayuu qeyb kuleeyahay. Faa’iidada sida loo qeybsanayo na waxaa la jaangoynayaa ka hor intaan ganacsiga la bilaabin.

Marka la isticmaalayo qaabkan qofka hantida lihi wax door ah kuma lahan maamulka ganacsiga mana soo fara gashan karo. Ibnu qiyam markuu ka hadlayo mudaaribka wuxuu yiraahdaa, “mar waa qof la aaminey, mar waa shaqaale, marna waa maamule iyo shariik”. Mudaaribku ma dalban karo mushahaar, kharashna kuma dallici karo rabbulmaalka. Fuqahada qeyb kamid ah oo ku jiro Immaam Axmed waxay sheegaan in mudaaribku nolol maalmeedkiisa ku dallacan karo  mudaarabada, fuqahada kale ayaana kasoo horjeesatay. Balse fugahada xanafiyadu waxay qabaan in mudaaribku haddii uu safar u galo ganacsiga uu kharashaadkiisa ku dallaco mudaarabada waxaana arrintaa ku waafaqay Hey’adda Bangiyada Islaamka u qaabilsan.

Noocyada Mudaarabada.

Mudaarabada waxaa loo qeybiyaa labo qeybood oo kala ah mudaaraba xaddidan (Restricted Mudaraba, Mudaraba al Muqayyadah) iyo Mudaaraba aan xaddidnayn (Unrestricted Mudaraba, Mudaraba almudlaqah).

  • Mudaarabada Xaddidan: Qofka hantida leh ama bangiga ayaa wuxuu jaangoynayaa ganacsiga ama mashaariicda ay tahay in loo isticmaalo maalgalinta uu bixinayo. Qofka hantida la siiyayna uma isticmaali karo wax ka baxsan wixii loo jaangooyay.
  • Mudaarabada aan xaddidnayn: noocaan mudaarabada ah qofka Mudaaribka ahi wuxuu haystaa xorriyad mana jiro wax xaddidaya wuxuuna maalgashan karaa wuxuu doono.

Farqiga u dhexeeya mudaarabo iyo mushaarako.

Mushaarako Mudaarabo
Dhammaan dhinacyada heshiiska galaya waxay ka qeybqaataan maaligalinta. Rabbul-maalka oo kaliya ayaa wax maalgaliya.
Khasaaraha waa la wadaagaa Khasaaraha rabul-maalka ayaa dhabarka u rita.
Haddii khasaare dhaco mushaarakada waxaa qofka kujira loo qabsan karaa hanti ka badan hantidii uu maalgaliyay. Mudarabada markii lajoogo Rabul-maalka looma qabsan karo hanti ka badan intuu maalgaliyay.
Haddii faa’iido xad dhaaf ah la helo dhammaan dadka shirkadda wadaaga ayaa ka faaiidaysanaya. Haddii faa’iido xad dhaaf ah la helo Rabul-maalka oo kaliya ayaa ka faa’iidaya inta ugu badan
Dadka heshiiskaan ku wada jira waa ay ka qeybqaadan karaan maamulka. Rabul-maalku xaq uma lahan inuu ka qeybqaato maamulka.


Shuruudaha mudaarabada.

  1. Waxaa waajib ah in la caddeeyo maalka la maalgalinaayo intuu yahay.
  2. Rabul-maalku wuxuu heshiis la gali karaa wax ka badan hal qof. Wuxuu lacag siin karaa labo qof A & B wuxuuna ula dhaqmayaa sidii mudaarib, hantidana waxay uga wada faaiidaysanayaan si wadajir ah.
  3. Waxaa la rabaa in la caddeeyo habka loo qeybsanaayo faaiidada si aysan is fahan darro u imaan markii shaqada la bilaabo.
  4. Waxaa waajib ah khasaaradu inay ku koobnaato hantida la maalgaliyay.
  5. Waxay kaloo culimada fiqigu shardi ka dhigeen in qofka mudaaribka ah maamulka hantida loo madaxbannaaneeyo oo aan lagu farogashan shaqada maamulka.
  6. Waxaa la ogolyahay in rabul-maalku uu mudaaribka kula heshiiyo inuu faa’iido ku siiyo hadba inta uu soo saaro, tusaale, inuu dhaho haddaad 50% faa’iido ah keento 15% ayaad ku leedahay laakiin haddaad 70% keento waxaad helaysaa 25%.

Dhammaadka Mudaarabada.

Heshiiska mudaarabada waxaa la soo afjari karaa waqti kasta waxaana soo afjari kara midkasta oo kamid ah rabul-maalka iyo mudaarib ka waxaana shardi ah inuu ogaysiiyaa midka kale.

Haddii dhammaan hantida mudaarabadu ay tahay lacag caddaan ah waxaa loo qeybsanayaa faa’iidada sidii awal lagu heshiiyay. Haddii aysan caddaan ahayna waxaa waqti la siinayaa mudaaribka si uu usoo caddeeyo hantida.

Ma isticmaalaan bangiyadeennu Mudaarabada?

Ogaalkayga ma isticmaalaan bangiyadeennuna habkaan oo way iska ilaaliyaan sababtoo ah haddii khasaare yimaado iyaga kaliya ayuu dusha ka fuulayaa, bangiyadeennuna kuma jiraan marxalad ay qaadi karaan khasaare.

Aragtidayda isticmaalka mudaarabadu waa khatar bangiyadeennana kuma habboona inay hadda isticmaalaan maadaama ay kujiraan waqtigii socod baradka.

  • MURAABAXA

Waa nooc kamid ah maalgalinta Islaamiga ah kaasoo ah in qof baahi qaba uu u yimaado bangi ama qofkale kadibna uu ku dhaho waxaana rabaa inaad badeecadaas iisoo iibisaan kadibna bangigu uu lasoo gorgortamo qofkii alaabta haystay ama uu qof u wakiisho uuna soo gado alaabtii, isla markaasna qofkii alaabta kasoo codsaday uu u sheego qiimaha uu alaabtaan kasoo bixiyay iyo waliba qiimaha uu isaga ka siinayo si uu uga faa’iido. Heshiiska maalgalineed ee noocaas ku dhaca ayaa la dhahaa Muraabaxa.

Muraabaxadu ma ahan deyn korodh (interest) la saarayo ee waa badeeco la kala gadanayo waxa kaliya ee ay iibka kale kaaga duwantahayna waa in la sheegayo qiimihii sheyga laga soo bixiyo iyo waliba faa’iidada la saarsanayo.

Muraabaxadu waa shay bannaan diinteenna Islamka, culimaduna ijmaac ay isku raaceen, kulanka culimada Fiqiga go’aankii tirsigiisu ahaa 46 (5/8), ayay ku caddeeyeen in muraabaxadu sida iibka tahay, iibkana qof kasta ba uu xor u yahay, waxaa kale oo aad ka eegi kartaa Kitaabka Muqinigga Ibu Qudaama, Majaladda 4aad.

Inkasta oo ay jiraan culimo kale oo xaaraantinimaysay muraabaxada. Qeybaha dambe ee qoraalkaan ayaan ku lafo guri doonaa doodaha culimada xalaalaysay iyo culimada xaaraantimaysay iyo waliba isu geynta dooddooda waxaan kasoo qaatay.

Shuruucda Muraabaxada.

  1. Labada qolo oo heshiis galaya waa inay buuxiyaan shuruudihii uu Alle u dajiyay dadka wax kala iibsanaya sida inay yihiin qaangaar, miyir qaba.
  2. Sheyga la kala iibsanayo waa inuu yahay wax jira saacadda iibku dhacayo, muraabaxa laguma gali karo waxaan wali la hayn sida shey lasoo saari doono.
  3. Bangigu sheyga uu iska iibinayaa waa inuu leeyahay mulkiyaddiisa waqtiga iibku dhacayo mana bannaana in bangigu uu iska iibiyo wax uusan wali lasoo wareegin.
  4. Iibka muraabaxada waa inaysan kujirin wax khasab, khiyaano iyo si xun u turjumaada.
  5. Sheyga la kala gadanayo waa inuu yahay shey qiimo leh.
  6. Iibku waa inuu u dhacaa si deg-deg ah taas oo micnaheedu yahay inuusan jirin shardi ku xiran iibka.
  7. Shayga lakala iibsanayo waa inuu yahay wax asal ahaan xalaal ah.
  8. Qiimaha wax lagu kala iibsanayo, waqtiga alaabta la gaynayo goobta gataha iyo waliba waqtiga ay tahay inuu lacagtaas ku bixiyo dhammaan waa in la caddeeyaa.
  9. Waxa lakala iibsanayo waa inuu yahay wax cayiman oo la isla garanayo.
  10. Bangiga ayaa qaadaya masuuliyadda wixii khasaare ah ee badeecada ku dhaca ka hor intaan lala kala wareegin.

Tillaabooyinka muraabaxada.

Muraabaxadu waxay raacaysaa tillaabooyinkaan soo socda:

  1. Qofka gataha ah (Buyer) ayaa alaabta ka dalbanaya bangiga wuxuuna la galiyaa bangiga heshiis dhigaya inuu alaabtaas gadan doono isla markaasna uu ku gadan doono qiimaha uu bangigu jaangooyo.
  2. Iibiyuhu (Bank) wuxuu aqbalayaa codsiga iyo heshiiska macmiilka
  3. Bangigu wuxuu dalbayaa alaabtii macmiilku soo codsaday ama cid ayuu u wakiilanayaa.
  4. Bangigu wuxuu aqbalayaa alaabtii loo keenay isla markaasna wuxuu lasoo wareegayaa mulkiyadda alaabta uu macmiilka ka gadi doono.
  5. Macmiilku alaabta ayuu gadanayaa iyadoo loo sheegayo wixii laga soo bixiyay iyo waxa lagaga iibinayo isaga.
  6. Waxaa laga ballamayaa waqtiga lacagta la bixinayo iyo sida loo bixinayo.

Muraabaxa xalaal mise xaaraan?!

Muraabaxadu inay xalaal tahay iyo inay xaaraantahay aad bay culimadu ugu kala qeybsameen waana mas’alo muran badan kajiro. Walow loo badanyahay inay xalaal tahay laakiin aan soo gudbiyo qeybo kamid ah culimada xalaalaysay iyo kuwo xaaraantinimeeyay.

Culimada Xalaalaysay:

Dhamaan afarta Mad-hab waxay isku waafaqeen in iibka oo dhan uu xalaal yahay, wixii laga reebay ama la xaaraantinimeeyay mooyee. Muraabaxadu na iibka ayay kamid tahay haddii laga helo shuruudihii aan kor kusoo xusnay halkaasna waxaa ka caddaanaysa inay muraabaxadu xalaal tahay.

Culimada kale ee xalaalaysay waxaa kamid ah Shiikh Yusuf Qardaawi wuxuuna daliishaday hadalkii Eebbe ee ahaa (وأحل الله البيع), aayaddaas oo cadddaynaysa dhammaan iibku inuu xalaalyahay wixii daliil cad oo quraan iyo xadiis ah lagu diiday mooyaane.

Sidoo kale Shiikh Ibnu Xassam (Maxali) wuxuu sheegay in dhammaan iibku xalaal yahay markii laga reebo wixii aayad cad iyo xaddiis xaaraantinimeeyo. Wuxuuna daliishaday

}وَقَدْ فَصَّلَ لَكُم مَّا حَرَّمَ عَلَيْكُمْ{

“Alleh waa idiin caddeeyay wixii uu idinka xarrimay”

Culimadda Xaaraantimaysay:

Waxaa culimadaan kamid ah Dr. Maxamed Ashqar wuxuu qeexay inay muraabaxadu xaaraan tahay maadaama bangigu uu gadayo waxaa uusan mulkiyadiisa lahayn wuxuuna daliishada:

“وقد نهى النبي صلى الله عليه وسلم عن بيع ما لم يقبض”

“Nebigu NNKH wuxuu reebay iibka wax aan la hantiyin”

Hadaba Muraabaxadu ma Xalaal baa? Mise waa Xaaraan?

Maadaama ay culimadii ku kala qeybsameen xukunka muraabaxada aan is barbardhigno hadalada labada culimo.

Culimada xaraantinimaysay muraabaxada waxaa ku dhaleeceeyeen waxyaabahan soo socda:

  1. Iibka bangigu iibinayo Wax uusan hayn.
  2. Iibka muraabaxada oo ku xiran iibkale.
  3. Muraabaxadu inay tahay hab maldahan ah oo Ribo lagu helayo.
  4. Inay Muraabaxadu tahay deyn deyn lagu qaadanyo.

Haddaba, waxay arrimahaan kaga jawaabeen culimada xalaalaysay muraabaxada sidan:-

  1. Iibka bangigu iibinayo wax uusan hayn

Culimadu waxay ku jawaabeen inuusan bangigu marna iibinayn wuxuusan hayn, laakiin bangigu wuxuu soo iibsadaa alaabtii macmiilku soo codsaday kadib markuu bangigu alaabta mulkiyaddeeda lasoo wareego ayuu kasii gadaa macmiilka iyadoo la ilaalinayo shuruudaha Islaamku u dajiyay iibka.

  1. Iibka muraabaxada oo ku xiran iib kale.

Culimadu waxay sheegeen in iibka muraabaxadu uusan ku xirnayn iibkale, waayo shuruudaha muraabaxada waxaaba kamid ah inuusan iibkaasi ku xirnayn iibkale.

  1. Muraabaxadu inay tahay hab maldahan ah oo Ribo lagu helayo.

Maalintii aan jaamacaddayda ku dhiganayay isla casharkaan muraabaxada sidaas ayaa fasalkayga looga doodaayay inay muraabaxadu tahay hab sorrogan oo lagu baadigoobayo ribo. Laakiin culimadu mid taas ka duwan ayay qabaan taas oo ah in bangigu uusan marna doonayn ribo (Interest) ee u rabo faa’iido (Profit) xalaal ah, wax ribo ah na meeshaan masoo gali karto waayo bangigu qofka lacag caddaan ah intuu siiyo wax dul saarsan mayo.

  1. Inay Muraabaxadu tahay dayn dayn lagu qaadanyo.

Culimadu waxay ku jawaabaan inaysan muraabaxadu ahayn dayn dayn lagu gadayo oo bangigu wuxuu soo iibsaday ayuu iska gadayaa. Sida aan kusoo sheegnay tillaabooyinka muraabaxada loo qaado marna kuma jirto deyn deyn lagu gadanayo. Waayo bangigu markuu alaabta soo mulkiyo oo uu lasoo wareego ayuu qofka macmiilka ah ka gadayaaa.

Caddaynta Xukunka 

Ugu dambeyn sida laga fahmi karo falanqaynta iyo lafo gurka aan samayn muraabaxadu waa xalaal haddii la maro waddada saxda ah ee loo dejiyay isla markaasna laga taxadaro waxkasta oo muraabaxada u ekaysiin kara ribo.

Bangiyadeennu ma isticmaalaan muraabaxada?

Jawaabtu waa HAA. Waana habka ugu badan ee ay isticmaalaan hadduusanba ahayn habka kaliya ee ay isticmaalaan.

Muraabxadu waa nidaamka maalgalineed ee ugu badan oo ay isticmaalaan baananka islaamku waxaana lagu qiyaasaa 66% maalgalimaha la sameeyo waxaa la adeegsadaa nidaamkaan muraabxada ah.

Gebogebo.

Mowduucaan maalgalinta islaamigu waa mowduuc aad looga hadlo maanta ayna tahay inaan waxbadan ka baranno si aan uga badbaadno dhibaatooyinka ribada adduun iyo aakhiroba anoo taas ka duulaya ayaan go’aansaday in aan mowduucaan wax ka qoro si aan wax ugu daro kaydka aqooneed ee laga hayo mowduucaan.

Waxaa nasiib xumo ah inaysan jirin qoraallo badan oo Soomaali ah oo laga sameeyay mowduucaan marka laga reebo xeeldheerayaal tiro yar oo aad wax uga qoray muraabaxada iyo qoraa Siciid Cali Shire oo isagu ah shakhsi soomaaliyeed ee kaliya oo intaan arkay si qotodheer mowduucaan uga hadlay wuxuuna ka qoray buug dhan maalgalinta islaamiga ah.

Tixraac

Shire, Saciid Cali (2014), Bangiyada islaamka: Albaabka maalgalimaha xalaasha ah. Leicester, Buuh Publications.

Shire, Saciid Cali (2014), Furaha Ganacsiga: bilaabista, badbaadinta iyo kobcinta ganacsiga. Leicester, Buuh Publications.

Dr. Muhammad Imran ashraf usmani, Islamic Banking pages (20-46).

Usmani. Islamic finance: Musharakah & Mudarabah. Journal of Islamic finance. 41-53.

http://fatwa.islamweb.net/fatwa/index.php?page=showfatwa&Option=FatwaId&Id=206356

https://www.scribd.com/document/66930705/Basic-Rules-for-Murabaha

https://www.islamicbanker.com/education/termination-mudarabah

4بيع المرابحة د. القرضاوي.

بيع المرابحة د. محمد الأشقر.

 

Qoraagu waa Cabdullaahi Abshir Muuse Sanco

Cabdullaahi Abshir Muuse Sanco waa nin dhallinyaro ah oo hadda ku guda jira waxbarashadiisa sare, wuxuu kulliyada dhaqaalaha ka bartaa Jaamacada Puntland State University (PSU), sidoo kale wuxuu sanadkii 2013-ka dhammeystay kulliyada tababarka macalimiinta ee GTEC, isaga oo ka baxay qeybta xisaabta iyo fiisikiska.

Cabdullaahi hadda wuxuu bare ka yahay dugsiga sare ee Imaamu Nawaawi Garoowe.

Mr. Sanco waa Blogger wax ka qora arrimaha la xiriira dhaqaalaha iyada oo hadda kahor Warsidaha Puntland Mirror uu daabacay maqaale kale oo ku saabsan dhaqaalaha oo uu qoray.

Waxaad kala xiriiri kartaa Email: sancosanco119@gmail.com

________________________________________________________________________________________

Fikradaha lagu xusay maqaalkan waxay gaar u yihiin qoraaga sina loolama xiriirin karo hab qoraaleedka Puntland Mirror.

Share this story about sharing

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Scroll Up