lix qof oo Soomaali ah oo la xaqiijiyay in ay kamid ahaayeen dadkii ku dhintay burburkii diyaaradda Ethiopian Airlines

Sawirka: Aamina Ibraahim Odowaa iyo gabadheeda Safiya Cabdulqaadir (Midig) Cabdishakuur Maxamed Shahaad (Bidix).

Muqdisho-(Puntland Mirror) lix qof oo Soomaali ah ayaa la xaqiijiyay in ay kamid ahaayeen dadkii ku geeriyooday burburkii diyaaradda Ethiopian Airlines.

Dhammaan dadkii saarnaa diyaaradda oo tiradoodu ahayd 157 qof ayaa ku dhintay burburka, sida ay sheegeen masuuliyiinta sare ee shirkada Ethiopian Airlines.

Dadka dhintay ayaa kasoo kala jeeda ilaa 35 dal.

Diyaradda ayaa Axadii ku burburtay meel u dhow magaalada Bishoftu, oo 62 kiilomitir dhanka koonfur-bari kaga beegan caasimada Addis Ababa.

Dadka Soomaalida ah ee ku dhintay shilka ayaa isticmaalayay baasabooro kala duwan.

Cabdishakuur Maxamed Shahaad oo katirsanaa xafiiska Raysulwasaaraha Soomaaliya ayaa kamid ahaa dadka Soomaaliyeed ee burburka diyaaradaas ku dhintay.

Qoraal uu soo dhiggay boggiisa Twitter-ka ayaa Raysulwasaare Xasan Cali Khayre uga tacsiyeeyay dhimashada Cabdishakuur Maxamed Shahaad.

Aamina Ibraahim Odowaa iyo gabar yar oo ay dhashay oo shan sanno jir ahayd oo la dhihi jiray Safiya Cabdulqaadir ayaa sidoo kale kamid ah dadka Soomaalida ah ee ku dhintay shilka diyaaradaas. Aamina ayaa isticaamalaysay baasaboorka dalka Canada halkaas oo ay ku nooleyd.

Diyaaradda oo nooceedu ahaa Boeing 737 ayaa ka duushay garoonka diyaaradaha Bole ee Addis Ababa saacadu markii ay ahayd 8.38 am ee wakhtiga maxaliga ah waxayna ku sii jeeday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*