Lix qof oo ku dhimatay weerar ay Al-Shabaab ka geysatay Muqdisho

Lix qof oo ku dhimatay weerar ay Al-Shabaab ka geysatay Muqdisho. [Xigashada Sawirka: AP]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dilay afar dagaalyahan oo xirnaa tuutaha ciidamada.

Weerarka oo ahaa mid ay Al-Shabaab ku rabeen in ay ku  weeraraan madaxtooyada ayaa fashilmay, sida ay sheegeen ciidanka booliisku.

Weerarka ayaa yimid asbuuc kadib weerar ka dhacay meel u dhow xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Muqdisho oo ay ku dhinteen ugu yaraan sagaal qof.

Lix qof ayaa ku dhimatay weerarka oo uu ku jiro qof ismiidaamiye ah, Kornayl Maxamed Xuseen ayaa sidaa u sheegay wakaalada wararka Associated Press, isaga oo sheegay in xaaladu ay qabowday ammaanka aagana la adkeeyay.

Weerarka maanta ayaa ku bilaabmay kadib markii qarax gaari lagu dhuftay meel u dhow bar-kantarool u dhow madaxtooyada. Gaari labaad ayaa ku qarxay isla aaga wakhti yar kadib, sida uu sheegay Xuseen.

“Waxaa jiray isku dhac u dhaxeeya ciidamada ammaanka iyo weeraryahanada kadibna waxaa dhacay qarax weyn. Qaraxa ayaa dhinac ii tuuray aniga,” qof goobjooge ah, oo la dhaho Cusmaan Cali, ayaa sidaa u sheegay AP.

Maleeshiyada Al-Shabaab oo inta badan geysata weerarada gudaha Muqdisho ayaa sheegatay masuuliyada weerarkii maanta oo Sabti ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*