Laftagareen oo loo doortay madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed

Cabdulcasiis Maxamed Xasan “Laftagareen”. [Sawir Hore]
Baydhabo-(Puntland Mirror) Cabdulcasiis Maxamed Xasan oo loo yaqaan Laftagareen ayaa loo doortay madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Waxa uu helay 101 cod intii lagu guda jiray wareegii kowaad ee doorashada oo ka dhacday magaalada Baydhabo maanta oo Arbaco ah.

Aadan Saransoor oo ahaa musharixii ugu dhawaa ee la loolamayay ayaa helay 20 cod.

Ku dhawaad afar musharax ayaa u tartamayay madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Ku dhawaaqista natiijada doorashada kadib, madaxweynaha cusub ayaa hadal kooban oo mahadcelin ah goobta ka jeediyay.

“Waxaan marka ugu horeysa u mahadcelinayaa xildhibaanada Koonfur Galbeed ee i doortay iyo inta aan i dooraan, waxaan sidoo kale u mahadcelinayaa guddiga doorashada oo qabtay doorasho nadiif ah oo xalaal ah.” Ayuu yiri Laftagareen.

Doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa dhowr jeer oo hore dib u dhacday.

Laftagareen ayaa xilal wasiireed kasoo qabtay Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo hadda lagu eedeeyay in ay isaga taageeraysay.

Magaalada Baydhabo ayaa maalmihii u dambeeyay waxaa ka dhacay qalalaase ay dad ku dhinteen kadib markii la xiray hoggaamiye ku xigeenkii hore ee Al-Shabaab Mukhtaar Roobow, oo ahaa musharax madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*