Shillin Soomaali badan oo kaash ah oo lagu qabtay kantaroolka magaalada Boosaaso

Sawirka: Lacag Kaash ah oo Shilling ah.

Boosaaso-(Puntland Mirror) Ciidamada ammaanka Puntland ee ku sugan magaalo xeebeedka Boosaaso ayaa qabtay lacago badan oo Shillin Soomaali kaash ah, sida uu sheegay sargaal ciidamada ah.

Taliyaha ciidamada kantaroolka Boosaaso Maxamuud Qalaf ayaa warbaahinta u sheegay in lacagta ay qabteen kadib markii lagu soo qariyay fuustooyin lasoo saaray gawaarida xamuulka qaada.

Ciidamada ayaa lacagta ku wareejiyay Wasaaradda Maaliyada Puntland, sida uu sheegay Qalaf.

Taliyaha kantaroolka ayaa sheegay in lacagtaas laga keenay deegaanada koonfurta Soomaaliya.

Bilihii lasoo dhaafay, Puntland ayaa joojisay lacagta kaashka ah ee ka imaanaysa dhanka koonfurta,taasoo la sheegay in ay sicir barar ku keentay suuqyada Puntland.

Ganacsatada ku sugan deegaanada Puntland ayaa diiday in ay qaataan lacagta Shillinga ah ee kaashka duuga ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*