Labo xubnood oo lagu eedeeyay in ay katirsanyihiin ururka ISIS oo lagu xukumay 15-sanno oo xabsi ah

Xubnaha katirsan ISIS ee lagu xukumay 15-ka sanno. [Sawirka]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Labo xubnood oo lagu eedeeyay in ay katirsanyihiin ururka ISIS ayaa lagu xukumay 15-sanno oo xabsi ah magaalada Muqdisho maanta oo Khamiis ah, sida uu sheegay guddoomiyaha maxkamada darajada kowaad ee ciidamada Xasan Cali Nuur Shuute.

Mahad Maxamuud Cabdi Abuu-Yaasiin oo ah eedeysanaha 1-aad ayaa loo heystaa in uu  ku mashquulsanaa sameynta koox ISIS ah kuwaasoo ka howl-geli lahaa Koonfurta Soomaaliya.

Ninka labaad oo la dhaho Maxamed Daa’uud Daahir Warsame oo loo yaqaan Dr Raage ayaa lagu eedeeyay in uu ahaa madaxa caafimaadka ee ISIS, wuxuu sidoo kale masuul ka ahaa soo uruurinta lacagaha ay dibadda ka helaan ururku.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*