Labo xildhibaan oo katirsan Hir-Shabelle oo lagu dilay weerar gaadmo ah oo ka dhacay meel u dhow Muqdisho

Xildhibaanada katirsan Hir-Shabelle ee lagu dilay weerarka. [Sawirka]
Jowhar-(Puntland Mirror) Labo xildhibaan oo katirsan maamul goboleedka Hir-Shabelle iyo ilaaladoodii ayaa lagu dilay weerar gaadmo ah meel u dhow caasimada Soomaaliya ee Muqdisho shalay oo Talaado ahayd.

Xildhibaanada ayaa saarnaa gaari yar oo uu weheliyay gaari ciidan oo siday 10 askari markii uu weerarka gaadmada ah ku qabsaday tuulada Ceel Gelow oo qiyaastii 45 km waqooyiga ka xigta Muqdisho, sida ay sheegeen il-wareedyo katirsan ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanada la dilay ayaa magacyadooda lagu sheegay Shiikh Daahir iyo Ismaaciil Muumin.

In badan oo kamid ah ilaaladoodii ayaa isla weerarka lagu dilay halka qaar kalena ay u baxsadeen baadiyaha ayna weli maqanyihiin, sida ilo-wareedyadu sheegeen.

Afhayeenka maleeshiyada Al-Shabaab u qaabilsan howlgalada milatariga Cabdicasiis Abu Muscab, ayaa wakaalada wararka Reuters u sheegay in ay iyagu qaadeen weerarka gaadmada ah waxaana uu sheegay in ay dileen dhammaan dadkii saarnaa labada gaari.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*