Labo sargaal oo katirsan ciidamada DFS oo lagu dilay qarax miino oo ka dhacay meel u dhow Muqdisho

Ciidan katirsan Dowldda Federaalka Soomaaliya. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Labo sargaal oo sare oo katirsan ciidamada milatariga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhowr kale oo askari ayaa lagu dilay qarax miinada wadada dhinaceeda lagu aasay Khamiistii oo ka dhacay koonfurta Muqdisho.

Ilo-wareedyo ciidamada katirsan iyo dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in saraakiisha oo ay la socdeen kolonyo baabuur ciidan ah ay marayeen meel u dhow tuulada Dhanaane markii uu qaraxu dhacay.

Labada sargaal ee weerarka lagu dilay ayaa lagu sheegay magacyadooda Janaraal Cumar Aadan Xasan oo loo yaqaan Dheere, oo ahaa taliyaha ciidamada guutada 12-ka April iyo ku xigeenkiisii Janaraal Cabdi Cali Jamaame. Saraakiisha ayaa hoggaaminayay howlgalo deegaanadaas looga xoreynayay Al-Shabaab..

Weerarka wax yar kadib maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada qaraxaas, sida lagu sheegay bayaan laga sii daayay warbaahinta Al-Shabaab ee Radio Andalus.

Sida wararku sheegeen, saraakiisha ayaa ku sii jeeday Muqdisho iyaga oo ka soo laabtay safar ay ku tageen saldhig ciidan oo kuyaala meel u dhow Dhanaane.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*