Labo qof oo lala xiriirinayo qaraxii Muqdisho oo la xiray

Sawirka: Howlgal hore oo ka dhan ahaa Al-Shabaab gudaha Muqdisho.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Saraakiisha ku sugan Muqdisho ayaa sheegay in labo qof loo xiray qaraxii weynaa ee Sabtida ka dhacay Muqdisho kaasoo ay ku dhinteen dad ka badan 300 qof.

Sargaal katirsan nabadsugida baaraysa weerarka ayaa wakaalada wararka Associated Press u sheegay in nin si fiican loo yaqaan kaasoo damaanad qaaday gaariga kana dhaadhiciyay askarta in ay u ogolaadaan in u soo galo gudaha Muqdisho ayaa hadda xabsiga ku jira. Sargaalka la hadlay Associated Press ayaa magaciisa qariyay sababtoo ah looma ogola in warbaahinta lala hadlo.

Sargaalka ayaa sheegay in ninka naftiis haligaha ah ee waday gaariga weyn ee ku qarxay isgoyska Zoobe uu taageero ka helayay gaari kale oo yar kaasoo laga soo buuxshay walxaha qarxa oo marayay waddo kale balse waxaa lagu horjoogsaday bar-gantarool u dhow garoonka Muqdisho.

Ninkii waday gaariga yar ayaa isna hadda waxaa lagu hayaa xabsi, sida uu sheegay sargaalku.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*