Labo qof oo ku geeriyootay weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Buuhoodle

Magaalada Buuhoodle. [Swair Hore]
Buuhoodle-(Puntland Mirror) Ugu yaraan labo qof ayaa ku geeriyootay weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Buuhoodle ee gobolka Cayn caawa fiidkii, sida ay sheegeen dadka deegaan iyo ilo-wareedyo dhanka ammaanka ah.

Sida ay ilo-wareedyadu u sheegeen warsidaha Puntland Mirror, qaraxa waxaa ku geeriyooday Cabdifataax Maxamed Cali oo loo yaqaan “Rodman”, oo soo nqoday la taliyaha Raysulwasaarihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, iyo Axmed Maxamuud Doolaal, oo soo noqday Wasiirkii Arrimaha Gudaha Khaatumo, balse hadda la shqeynayay ciidamada Puntland.

Qofka ismiidaamiyay ayaa beegsaday gaari ay saarnaayeen masuuliyiinta dhimatay xilli ay kasoo baxeen salaada Cisho.

Afar qof oo kale ayaa ku dhaawacmay qaraxa, oo ahaa kii ugu horeeyay noociisa oo kale ah oo ka dhaca gudaha Buuhoodle.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarkaas, balse saraakiisha haayadaha amniga ayaa sheegaya in uu ahaa weerar argagixiso.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*