Labo qof oo ku dhaawacmay rasaas ay ciidamada Somaliland ku fureen dad shacab ah magaalada Laascaanood

Boqolaal qof oo reer Laascaanood ah ayaa waddooyinka u soo baxay iyaga oo dhagaxiyay ciidamada Somaliland. [Xigashada Sawirka: Facebook]
Laascaanood-(Puntland Mirror) Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhaawacmay magaalada Laascaanood maanta oo Khamiis ah.

Ilo-wareedyo ku sugan Laascaanood ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay in isku dhac dhexmaray ciidamada maamulka Somaliland iyo dadka shacabka ah ay keentay in ciidamada Somaliland ay rasaas ku furaan shacabka.

Boqolaal qof oo reer Laascaanood ah ayaa waddooyinka u soo baxay iyaga oo dhagaxiyay ciidamada Somaliland.

Dadka dhaawacmay ayaa ahaa haween.

Dabayaaqadii bishii lasoo dhaafay ee May, ugu yaraan labo qof ayaa ku geeriyooday kadib markii mudaaharaad nabadgelyo ah oo ay dhigayeen shacabka magaalada Laascaanood uu isu bedelay qalalaase dhiig ku daatay markii maamulka Soomaaliland ay kala hortageen weerar arxan daro iyo xoog-sheegasho ah dadkii mudaharaadayey iyaga oo u isticmaalay rasaas nool.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*