Labo qof oo ku dhaawacantay qarax ka dhacay meel u dhow saldhiga booliiska Waaberi ee Muqdisho

Waaberi
Saldhiga booliiska degmada Waaberi ee Muqdisho.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhaawacantay caasimada Soomaaliya, Muqdisho caawa fiidkii kadib markii qarax uu ka dhacay meel u dhow xarun booliis, sida uu sheegay sarkaal.

Qaraxa ayaa ka dhacay meel u dhow xarunta booliiska degmada Waaberi ee Muqdisho.

Taliyaha ciidamada booliiska gobolka Banaadir, Bishaar Abshir Geedi oo la hadlay wakaalada wararka Soomaaliya (Sonna) ayaa sheegay in walxo qarxa oo lagu qarshay qashin ay ku qarxeen meel u dhow xarunta booliiska.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada qaraxa, balse kooxda hubaysan ee al-Shabaab ayaa horey u qaaday weeraro kan lamid ah.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*