Labada nin ee lasii daayay. [Sawirka: Facebook]
Garoowe-(Puntland Mirror) Labo nin oo niman deegaanka ah ay Garoowe ku afduubeen bishii lasoo dhaafay ayaa lasii daayay, oday dhaqameed ayaa sidaa sheegay maanta oo Talaado ah.

Labada nin ayaa ka yimid magaalada Burco ee Somaliland waxaana afduubay niman deegaanka ah kuwaasoo rabay in ay ku bedeshaan walalkood oo ku xiran Burco, sida oday dhaqameedku uu sheegay warsidaha Puntland Mirror, isaga oo intaas ku daray in odayaasha dhaqanka Garoowe ay kaalin weyn ka qaateen sii deynta nimankaas.

Labada nin ayaa la geeyay guriga Islaan Ciise oo kuyaala Garoowe, waxaana la filayaa in ay magaaladoodii dib ugu noqdaan, sida oday dhaqameedku uu sheegay.

Share this story about sharing

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Scroll Up